Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shariif Xassan: “Laftagareen waa lagula xisaabtami doonaa dhiiga shacabka ee uu daadinayo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha xilka haya ee maamulkaas C/casiis Laftagareen inuu bilaabay dagaalka ka socda magaalada Baydhabo.

Shariif Xassan oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Laftagareen uu horey isu hortaagay in si cadaalad ah loogu tartamo doorashaii xubnaha golaha shacabka haatana uu bilaabay inuu daadiyo dhiiga shacabka.

“Waxaan aad uga xumahay dagaalka maanta ka socdo Magaalada Baydhabo, mana aheyn wax ay istaahilaan reer Koonfur Galbeed’ ayuu yiri Shariif Xassan oo intaas ku daray in Laftagareen lagula xisaabtamayo dhbaatada uu ka geystay Koonfur Galbeed isagoo ugu baaqay inuu kursiga baneeyo inta ay goori goor tahay.

“Waxaan leeyahay Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhamaadey Dadka ha isku laaynin, in shacab la laayo kursi laguma heysan karo” ayuu yiri Shariif Xassan

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Xassan Shiikh inuu la xisaabtamo madaxweyne Laftagareenm kana qaado talaabo adag.

“Waxaan leeyahay DFS, gaar ahaan Madaxweynaha jamhuuriyadda adigaa ah sharci ilaaliyaha dalkaan, waxaa lagama maarmaan ah in dhacdadaan iyo gafkaan maanta baydhabo ka dhacay laga hadlo lalana xisaabtamo dadka geystey Fal-dambiyeedkaan” ayuu Shariif Xassan.

HOOS KA DAAWO HADALKA SHARIIF XASSAN

http://

Related posts

Wasiir Abshir Haruuse oo Saddex qodob kala hadlay Wasiirro kala duwan uu la kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Deni oo Arin Muhiim ah kala hadlay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---