Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa looga hadlayaa wadahadalka cusub ee u Furmay Itoobiya iyo TPLF?

Masuuliyiin ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Xoogaga Tigray ayaa wareeg kale oo wadahadalo ah waxay uga bilowdeen caasimada Kenya ee Nairobi.

Wadahadalkan ayaa diirada lagu saarayaa dhaqangelinta heshiiskii bishii hore lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye oo laba sano ka socday woqooyiga dalkaas.

Kulanka ayaa la filayaa inuu u gogol xaaro u noqdo in Midowga Afrika uu si dhaw ula socdo qodobbada heshiiska- oo ay ku jiraan in la qaado xayiraadaha lana dardar galiyo dadaallada gargaarka bina’aadanimada iyo hub ka dhigista ciidamada Tigray.

Tobanaan kun oo qof ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay dagaalka halka malaayiin kale u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Xoogaga Tigray ayaa shuruud uga dhigtay in hubka laga dhigo ciidankeeda in gobolkaas ay ka baxaan ciidamada Eritreya ee ka garab dagaalamay kuwa Itoobiya oo weli ku sugan qeybo ka mid ah dhulkooda.

Related posts

Madaxda dowlad goboleedyada oo War kulul ka soo saaray heshiiskii Hirshabelle & dowlada (Akhriso)

Caydiid Ali

MadaxweynIhii hore ee Somalia oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Caydiid Ali

Ciyaal weero dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali