Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka, taasi oo booqasho maalmo ah uga bilaabatay Puntland.
Siciid Deni ayaa Xildhibaan Ilhan Cumar warbixin dheer ka siiyay xaalada ka jirta deegaannada Puntland gaar ahaan dhinaca horumarka iyo sidoo kale hirgelinta dimuquraadiyada.
Xildhibaan Ilhan Cumar ayaa ku amaantay Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa horumarka ay ka sameeyeen dhinaca amniga iyo adeegga bulshada, waxa ayna xustay in si weyn ula dhacsan tahay horumarka ka jira Puntland.