Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo xerada Xalane kula kulmay Larry Andre ( Daawo Sawirro)

Gudddomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta xerada Xalane kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre.

Kulankaan ayaa waxaa qayb kaa ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Mudane Faysal Caraale afrax Agaaismayaal iyo hawlwadeeno Maamulka G/Bnaadir.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa uga mahadnaqay Dawladda Mareeykanka taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada Amniga, gargaarka iyo Horumarinta isagoo si gooni ah u bogaadiyay hawlihiii horumarineed oo ay hey’adda USAID ay Sanadihii danbe ka sameeysay Magaalada Muqdisho.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa si Guud ula wadaagay Safiirka Mareeykanka arrimaha Amni, gargaar iyo Horumarinta sida kaabyaaahsa isku socodka iyo kobcinta Dhaqaalaha ee hortabinta u leh maamulka G/Banaadir, Xasilinta, Dib u hishiisiinta iyo Shaqa abuurka dhalinyarada.

Safiir Larry ayaa la wadaagay Guddomiyaha Gobolka sida ay Dawladda Mareykanka ugu go’antahay sii wadista taageeerada Soomaaliya isagoo dhanka kale la wadaagay Guddomiyaha Gobolka talooyin la xiriira arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo sida loo xoojin karo iskaashiga.

Related posts

Burcad dhac u geesan jiray Shacabka Muqdisho oo xukun lagu rida (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

PubG oo Sabab u noqday in Wiil dhalinyaro ah uu laayo Xubno badan oo katirsan Qoyskiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo haweeney u Magacaabay Xakameynta Hubka Sharci darrada ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---