Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Ciidan iyo qaar kamid ah ilaaladiisa oo la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in duleedka degmadaasi qarax ka dhacay lagu dilay sargaal ciidan oo katirsanaa milatariga Soomaaliya iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Sargaalka la dilay oo lagu magacaabayay laba Xidigle Cabdirashiid Axmed Cabdulle ayaa ku dhintay qarax miino oo haleelay gaari Dagaal uu la socday oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Qaraxa miino ayaa sidoo kale wararka aan heleyno sheegayaan in ay ku dhinteen afar askari oo katirsanaa ilaalada sargaalka la dilay, waxaa sidoo kale jira askar kale oo qaraxan ku dhaawacmay.

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan wali ka hadlin qaraxan ka dhacay duleedka Mahadaady ee lagu dilay sargaalka ciidan iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safaarada Mareykanka ee Magaalada Beirut oo la weeraray & baaritaan socda (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Booliska Maraykanka oo 12 sano ka dib gacanta ku dhigay Yaser Abdel Said

Caydiid Ali

Xildhibaan Faarax Macalin oo Xassan Shiikh & Xamse ku eedeeyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---