Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afgembi xilka looga tuuri rabay Madaxweyne Adama Barrow oo la fashiliyay

Dowladda Gambia ayaa shaacisay in la fashiliyay afgembi ay qorsheeyeen saraakiil katirsan milatariga dalkaasi , afgembigan ayaana lagu doonayay in xilka looga tuuro Madaxweyne Adama Barrow.

War saxaafadeed dowladda Gambia soo saartay ayaa lagu shaaciyay in ciidamada gaarka ah ee qalabka sida ay fashiliyeen afgembiga xilka looga tuuri rabay madaxweynaha, waxa ayna dowladda sheegtay in afar sargaal loo xiray isku dayga afgembi.

Dowladda ayaa sheegtay in warbixino sir ah ay heshay suurto galisay in la fashiliyo qorshaha afgembi, waxa ayna dowladda cadeesay in xaalku hadda degan yahay tallaabana laga qaadayo kuwa isku dayay afgembiga.

Isku dayada afgembi ayaan ku cusbeyn dalka Gambia ee dhaca galbeedka Afrika, waxaana dalkan ay kunool yihiin dad gaaraya 2.5 milyan oo qof muddo ka badan 20-sanno xukun kaligiis talis ku maamulayay madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiisha Muhiimka ah ee ku dhintay kuna dhaawacmay Dagaalka Guriceel (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Warbixin ku saabsan howlaha Benadir Blood Service (Adeega Dhiiga ee G/Banaadir)

Caydiid Ali

Dhaqtarad dil iyo kufsi loo geestay iyo caro xooggan oo ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---