Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Degmo Muhiim ah oo Al Shabaab gacanta ku hayaan

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa kusii siqaya deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kusii dhawaanayaan qabshada deegaanka Ruunirgood oo ah xarunta ugu weyn ee Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in ciidamada huwanta ah qorshahoodu yahay in gabi ahaan Al Shabaab ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna ugu baaqay dadka ku suugan goobaha wali Shabaab joogaan in ciidamada soo dhaweeyaan.

Janaral Cali Caraye Cosoble (Ggacmadulle) oo kamid ah saraakiisha ciidamada ee dagaalka hogaamineysa ayaa sheegay in Al Shabaab ka saarayaan deegaanka Ruunirgood iyo deegaanada kale ee wali ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Ciidamada dowladda ayaa dhawwaan Al Shabaab ka saaray degmada Aadan Yabaal iyo deegaano kale oo katirsan gobolkaasi, waxa ayna ciidamada hadda qorsheenayaan in ay la wareegaan deegaannada kale ee Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo amartay in la bur buriyo Hotelka Xayaat iyo Duqeyn ku socota Hotelka

Cabdi Cade

Farmaajo & Fahad oo u yeeray Laftagareen & qorshe xasaasi ah oo lagala hadlayo

Caydiid Ali

Coronavirus oo ku sii faafaya Kenya iyo Kiisas ugu badnaa oo maanta la helay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---