Ciidamada DF ayaa caawa xiray qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo loo diiday gaadiidka iyo dadka lugeynaya intaba.
Meelaha la xiray waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukaramaqeyo ka mid ah, wadooyinka soo gala isgoyska Km4, wadada u baxda Zoobe, jidka Warshada caanaha iyo jidad kale.
Ciidamada DF oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaaman ayaa lagu arkayaa jidadkaas, kuwaasoo dib u celinaya gaadiidka iyo xitaa dadka lugta ku socda.
Dadweyne fara badan oo doonayay iney guryahooda u hoydaan ayey si adag u saameysay wadooyinka la xanibay, kuwaasoo tuban goobaha jidadka laga xiray iyadoo xiliga uu yahay saq dhexe.
Dad fara badan oo arrintan ay saameysay ayaa qoraalo soo dhigaya baraha bulshada iyagoo ku cabanaya in xitaa loo diiday iney socod ama lug ku tagaan xaafadahooda.
Inkastoo jidadka la xiro aysan ku cusbeyn Muqdisho haddana inta badan gaadiidka ayaa loo diidi jiray iney maraan jidadka la xiro, waxaana wado xirista caawa lagu soo kordhiyey in xitaa dadka lugeynaya loo diido socodka wadada.
Weli lama oga sababta rasmiga ah ee loo xiray wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, laamaha amaanka dowladana wax faahfaahin ah kama aysan bixinin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com