Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Odayaal la shaqeyn jiray Al-shabaab oo ka soo baxsaday degaanka Ruun Nirgood

Odayaal la shaqayn jiray kooxda Al-Shabaab ee ku sugan degaanka Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isku soo dhiibay ciidamada DF ee jooga gobolkaas.

Ruun-nirgood waa degaanka kaliya ee ku haray gacanta kooxda Al-shabaab gobolka Sh/dhexe, waxaana haatan degaanka duulaan ku ah ciidamada DF iyo dadka hubeysan degaanka oo qarka u saaran iney kala wareegaan Al-shabaab.

Odayaashan ka soo baxsaday degaanka Ruun-nirgood ayaa soo gaaray laguna soo dhaweeyey deegaan lagu magacaabo Cadcadey oo hoos taga degmadaas halkaasoo ay joogaan ciidamada DF.

Jeneraal Gacmadulle iyo saraakiil kale ayaa soo dhaweeyey odayaashaas oo warbaahinta loo soo bandhigay, kuwaasoo ka warbixiyey sababtii ku kaliftay inay Shabaab la shaqeeyaan.

Waxay sheegeen in kooxdu ay ku qasabtay iney la shaqeeyaan haddii ay diidaana ay muteysan doonaan dil iyo dhibaatooyin kale, iyagoo xusay iney  khatar badan ugu jireen in dayuuradaha dagaalka ee taageeraya ciidamada DF ay laayaan.

“Dayuurad ayaa habeen hore na soo dul joogsatay waxay nagu shiday leyr weyn oo wax kasta laga arkaayo, ka dib waxaan isweydiinay sababta nagu kalifeysa inaan sugno inta nalaka duqeynayo, subaxiina waan ka soo baxsanay inteenii Alle  waafajiyey,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha oo la hadlayey warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney 97-sanno jir ah oo loo heesto Dilka dad ka badan 10-Kun oo qof oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Dowladda oo soo bandhigtay Cabdirashiid Indhacadde oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Cabdi Cade

Hay’adda WHO oo digniin cusub ka soo saartay xaaladda cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---