Qaadka laga keeno Kenya ee la geeyo Somalia ayaa qarka u saaran inla joojiyo iyadoo ganacsatada ay ka cabanayaan lacago ka baxsan canshuuraha oo laga qaado, taasoo ay sheegeen ineysan ogeyn sababta keentay.
Bishar Axmed oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Muqdisho ayaa sheegay in lacagaha laga qaado aysan ahayn canshuurta dowladdaha Kenya iyo Somalia iyo tan kirada diyaaradaha midna.
“Wax kale oo aan ku tilmaamo ma leh, Waa lacag baad ah, ma aha canshuur. Canshuurta dowladda halkan ayaan ku bixiinnaa (Soomaaliya), tan kirada diyaaraddana Kenya ayaa lagu bixiyaa. Lacag kaloo dheeraad ah oo aan miisaan ahayn, canshuur na ahayn ayaa la bixiyaa” ayuu yiri.
Waxa uu intaas ku daray in lacagtaas ay ku wargeliyeen inay bixyaan ragga iyo dumarka qaadka soo dhiibta ee Kenya jooga.
“Lacagahan dheeraadka ah waxaa qaata dad jooga dhanka Kenya, arrintaana waxay soo socotay in muddo ah. Beeraleyda khaadka ee Kenya ayaa cabasho arrintan la xiriirta u gudbiyay Madaxweynaha Kenya, oo balanqaaday inuu wax ka qabanayo balse weli waxba lagama qaban.
“Dhanka Soomaaliya lagama qaado lacagtaas ee waa mid Kenya gudaheeda lagu qaado. Xilligii hadda qaadka la furay ilaa iyo hadda ayey socotaa, halkii kiilo oo Qaad ah lacag gaareysa 5 Dollar ayaa saaran” ayuu yiri Bashiir ku daray hadalkiisa.
Waxaa uu xusay in Qaadku uu qiimo sare ku tago gudaha Soomaaliya, ayna hoos u dhaceen xadiga qaadka maalin walba la dhoofiyo.
Markii hore waxaan dhoofin jirnay 50 tan oo jaad ah balse hadda 19 tan ayaa la geeyaa dalka, dadka qaadka cuna qiimahaas sare kuma iibsan karaan badankood, Muqdisho 1kg ee jaad ah waxaa lagu iibiyaa 50 Dollar taasina macquul maaha hadii xaalku sidan sii ahaado waxaan ku qasban nahay inaan joojino ganacsiga Qaadka” ayuu yiri
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com