Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Eritraya oo lagu eedeeyey iney dil iyo boob ka wadaan xadka gobolka Tigray

Telefishiinka TIgray ee ku hadla afka kooxda TPLF ayaa dowladda Eritrea ku eedeeyey ciidamadooda iney weerar ku soo qaadeen gudaha deegaankaasi qeybo ka mid ah.

“Weerarkaasi ayaa caqbad ku noqday in uu gaaro gargaarka ay u baahan yihiin shacabka gobolka Tigraay oo deggan xadka Eritrea” ayaa lagu yiri war laga sii daatey Tigray TV.

Atinkut Mezgebu oo ah Madaxa Xafiiska Beeraha iyo Kheyraadka dabiiciga ee degaanka Tigray oo ay TPLF maamusho ayaa sheegay ilaa iyo 16-KII December iney deegaankaasi soo gaareen 2,000 oo gaari oo sido raashiin gargaar ah balse wararka deegaankaasi ka imanaya ay yihiin kuwa aad looga naxo.

“Raashiinka waa la dhacayaa, dadka waa la dilayaa ama la afduubanayaa. Falalkaasi oo dhana waxaa fulinaya ciidamada Eritrea” ayuu yiri Atinkut Mezgebu.

Dowladaha itoobiya iyo Eritreya midkoodna kama hadlin eedeyntan a timid kooxda TPLF, waxayna arintan ku soo aadeysaa xili uu jiro heshiis nabadeed oo lag soo afjarayo dagaalka ka socday Tigray labada sano kaasoo u dhexeeyey ciidamada Itoobiya oo gacan ka helaya kuwa Eritreya iyo kooxda TPLF

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Maxkamada sare ayaa loo ergeyn karaa awooda Maxkamada dastuurka”

Caydiid Ali

Puntland oo xabsiga ku celisay siyaasi caan ah oo dhowaan la sii daayey

Caydiid Ali

Donald Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---