Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Elon Musk oo go’aan ka qaatay natiijada afti uu u soo bandhigay dadka Twitter-ka isticmaala

Milkiilaha shirkadda Twitter Elon Musk ayaa sheegay inuu inuu tixgelin doono natiijada afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala barta twitter-ka oo uu ku weydiinayay inay u codeeyaan “haa” haddii ay rabaan inuu ka fariisto maamulka shirkadda twitter.

Natiijada oo ay codeeyeen malaayiin qof ayaa noqotay “Haa” oo ka dhigan inuu ka fadhiisto maamulka shirkadda Twitter

Elon Musk ayaa xusay inuu ka fariisan doono shaqada madaxa twitter-ka marka uu helo qof la wareego maamulka guud ee shirkadda Twitter.

Isbadellada ka dhacay twitter-ka tan iyo markii uu iibsaday Elon Musk ayaa si weyn loo cambaareeyay ka dib markii Elon Musk uu wax badan ka bedelay siyaasada iyo xeerarka ay ku shaqeyneysay.

Talaabooyinka uu Elon Musk qaaday markii uu la wareegay  Twitter-ka ayaa sababay muran joogto ah oo ku saabsan mustaqbalka bartan, iyadoo dawladda Maraykanku ay muujisay walaaca ku saabsan xaalada Twitterka”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo ku socotay Al-shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dibad-baxyadii rabshadaha watay ee Garowe & Warar kale oo xiiso leh

admin

Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la qabtay iyaga oo Daroogo galinaya dal Carbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---