Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir looga hadlay arrimo kala duwan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Hirshabeelle.

Kulankaan oo looga hadlay howlgalada baahsan ee kooxda khawaarijta alshabaab looga xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, waxaa Wasiirka Amniga looga dhageystay warbixinta amniga, sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay dardargalinta iyo isku xirka dadaalada xasilinta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha usoo gudbisay Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Dowladda Hirshabeelle oo ay Golaha Wasiirada cod aqlabiyad ku ansixiyeen, Dhanka kale Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyay Machadka Tababarada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Golaha Xukuumadda la wadagaay duruufaha adag ee ka jira deegaanada laga xureeyay cadowga ee uu socdaalka kusoo maray isagoo xusay inay khawaarijta ay cuuryaamiyeen nolosha iyo horumarka bulshooyinka ku nool deegaanada laga xureeyay.

 

Related posts

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay Sh. Max’ed Suleymaan (Gacameey) & ilaalo la socotay

Caydiid Ali

Xukun Adag oo lagu riday Nin doonayay in uu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

C/wali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay xanta sheegeysa inuu damacsan yahay muddo kororsi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---