Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliis Islaami ah oo weerar ku qaaday goob ay isku aroosayeen Lamaane isku jinsi ah

Ciidamo katirsan booliska islaamiga ah ee waqooyiga dalka Nigeria ayaa kala eryay goob ay ka socotay xaflad aroos oo ay dhiganayeen lamaane isku jinsi ahaa.

Booliiska ayaana markii ay tageen goobta xaflada ka socotay kasoo xiray 19 qof oo kamid ahaa dadkii ka qeyb qaadanayay munaasadda arooska ay dhiganayeen  lamaanaha isku jinsiga ah.

Afhayeen u hadlay booliiska Islaamiga oo lagu magacaabo Lawal Ibrahim Fagge ayaa sheegay in ciidamada weerareen goob ay ka socotay maherka lamaane isku jinsi ah, waxa uuna xusay in ay xireen qaar kamid ah dadkii xaflada joogay.

Waxa uu sheegay afhayeenka in lamaanihii arooska dhiganayay u suurta gashay inay baxsadaan, waxa uuna xusay in booliiska baadigoob ugu jiraan lamaanahaasi sidii ay usoo xiri lahaayeen.

Waqooyiga Nageria waxaa ku nool muslimiinta ugu badan dalka Nageria kunool, waxaana halkaasi  ka jira oo looga dhaqmaa sharciga Islaamka uu ka barbar shaqeeyo sharciga ka jira dalkaas.

Lamaane isku jinsi ah in ay is guursadaan ayaa sharci-darro ka ah dalka Nigeria, waxaana si gaar ah looga ogoleyn Waqooyiga Nageria uu ka shaqeeyo nidaam islaami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Kiiska dilka Ikraan Tahliil oo inta la malaynayo ka weenaaday iyo Xogo halis ah oo soo baxay

Cabdi Cade

Wasiirka amniga DF oo hal arrin ka codsaday khubaro ka socotay dowlada Serbia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---