Ciidamada ammaanka ayaa xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ku qabtay labo nin hubeesan oo katirsan dagaalyahanada Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in ay ku howlanaayeen falal lidi ku ah amaanka .
Nin hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa lagu qabtay degmada Kaaraan xilli uu mooto bajaaj ku baxsanayay, waxaa sidoo kale la dilay nin kale oo la socday, waxaana qabashada ninkan la sheegay in gacan weyn ka geestay shacabka ku dhaqan Kaaraan.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale xaafad katirsan degmada Dayniile ku qabtay nin kale oo hubeesan oo la sheegay in uu doonayay in uu geesto dil, waxaana ciidamada ninkaasi u taxaabeen xabsiga.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in ciidamada gacanta ku dhigeen xubno katirsan Al Shabaab iyo kuwa kale oo iyana lagu eedeeyay falal burcdanimo.
Sadiiq Doodisho ayaa digniin u diray milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta oo inta badan lagu geesto falalka ammaan daro, waxa uuna sheegay in mootooyinka dhibaatooyinka lagu geesto ku qoran yihiin magacyada dad horey looga iibsaday.
Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo, waxa ayna ciidamada siyaabo kala duwan u qabteen xubno katirsan Al Shabaab iyo kooxo kale oo isugu jira burcad iyo ciyaal weero.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com