Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ku dilay nabaddoon Xirsi Cali Diirshe, oo kamid ahaa waxgaradka sida weyn looga yaqaanay degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay nabaddoonka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaad kusoo dukaday, waxaana dhoor xabbadood ku dhuftay dhallinyaro biskoolado ku hubeesan oo dilka kaddib goobta isaga tagay.

Ciidamada ammaanka degmada Hiliwaa ka howlgala ayaa dilka kaddib gaaray goobta lagu dilay nabaddoonka, mana ku guleesan ciidamada amniga in gacanta kusoo dhigaan ragii dilkaasi geestay.

Nabaddoonka la dilay ayaa la sheegay in uu deegaan ahaan kasoo jeedo magaalada Cadaado, lamana oga ilaa hadda dambiga uu galay oo loo beegsaday nabaddoonkan oo dadkii yaqaanay sheegeen in uusan ku lug laheyn siyaasadaha is diidan.

Al Shabaab ayaa dhankeeda war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyada dilka loo geestay nabaddoon Xirsi Cali Diirshe, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in nabaddoonka kamid ahaa maamulka degmada Hiliwaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliiska oo Digniin adag u diray dadka kunool magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Musharax Saciid Ciise: “Gacan ku-dhiiglayaal xasaanad huwan ayaa fuliyey dilka Xildhibaanad Aamina

Caydiid Ali

RW Khayre oo beri ku wajahan Caabudwaaq & wafdi hordhac ah oo gaaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---