Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xulka Marooko oo dalkooda loogu soo dhoweeyey si aan caadi aheyn (Sawirro)

Tobanaan kun oo reer Morocco ah ayaa ku soo dhaweeyay dalkooda hooyo xulka dalkaas ee ka qeyb galay koobka aduunka ka dib markii ciyaartoydaas ay dhaafeen heerkii laga filaayey ayna gaareen kaalinta afaraad ee Koobka Adduunka.

Taageerayaasha ayaa soo buux dhaafiyay fagaarayaal, waxayna hareera safnaayeen waddooyinka caasimada Rabat iyo nawaaxigeeda, iyagoo calamo lulaya, qoob ka ciyaarna ku garaacayay durbaanka, iyadoo bas dusha sare ka furan lagu soo gelbiyey ciyaartoyda Booliska ayaana ilaalo xoogan ka hayey.

Ciyaartoyda dhoola cadeynaya iyo tababare Walid Regragui ayaa gacan haadiyay, taageerayaashooda farxada ka muuqatay.

Meelaha qaar ee wadada dhoolatusku ka socday, dadku waxay ka soo daadanayeen laamiyada oo ay fuuleen waddo meelaha taaga, waxaana kooxda la geeyey ugu dambeyn qasriga boqortooyada halkaas oo Boqor Maxamed VI uu ku sugayay soo dhawaynta ciyaartoyda si ay ugu dabaaldegaan guulahooda taariikhiga ah ee weyn.”

Kooxda Marooko ee loo yaqaanno Atlas Lions oo ah kooxdii ugu horeysay ee Afrikaan ama Carab ah oo gaaea semi-finalka Koobka Adduunka, ayaa sameeysay taariikh, waxayna ka mid ahayd guulihii waaweynaa ee laga gaaray tartankan oo ah kii ugu horeeyay ee uu marti galiyay wadan Carbeed.

Marooko ayaa garaacday dalalkii hore u gumaysan jiray ee  Yurub oo kala ah Belgium, Spain iyo Portugal, waxayna semi-finalka guuldarro kala kulantay France..

Kooxda Marooko ayaa soo jiitay taageerayaal badan oo Carab ah kuwaasoo kooxda ku dhex arkayay muuqaal ay isku muujinayaan. Ciyaartoyda ayaa guushooda kadib ruxayay calanka Falastiin, waxaana ay garoonka kula dabaal degeen hooyooyin iyo caruur. Kooxdu waxaa kaloo taageeray Afrika oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NISA oo Sh/hoose ka soo qabatay koox ka tirsan Al-Shabaab & Walxaha qarxa

Caydiid Ali

Jabuuti oo dhaqaale aan caadi aheyn ugu deeqday dadka ku barakacay fatahaadaha

Caydiid Ali

Mo Farah oo guuldaro lama filaan ah ka keenay orodka Maratonka London (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---