Allbanaadir.com
NEWS

Xildh. Cali Saciid Fiqi oo difaacay qaabkii loo meel mariyey muddo kordhinta Laftagareen

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay muddo xileedka madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fiqi ayaa intii uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed waxay kordhiyeen muddo xileedka madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen shan sano, halka uu markii hore ahaa afar sano.

Isagoo ka hadlayey munaasabad xalay ka dhacday Baydhabo oo loogu dabaaldegayey sanadguuradii 4aad ee Madaxweyne laftagareen ayaa sheegay in tallaabadaas ay aheyd mid ay isku waafajiyeen muddo xileedka baarlamanka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse aanay aheyn muddo kordhin loo sameeyey Laftagareen.

“Muddo kororsi ma aheyn ee waxaan u arkeynay arrin sharci ah, markii aan tallaabadaas qaadnay waxaan muhiim u arkeynay in la is waafajiyo muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka, oo kala horeeyey” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa uu xusay in markii xildhibaanadu ka doodeen arrintaas ka dib la geliyey codeyn.

“Waxaa la isku qabtay oo laga dooday in baarlamaanka 3-sano lagu soo koobo iyo in madaxweynaha sanad loogu daro oo baarlamaanka uu la dhameysto, waxaa batay fikirka ah in Madaxweynaha sanad loogu daro, sidaas ayuuna go’aankan ku meel maray,” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Related posts

Maxkamada ICC oo amartay in la soo xiro Putin iyo Ruushka oo jawaab adag bixiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray Mashruuc ay ku baxday 20 Milyan oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo badan iyo Gaadiid Dagaal oo Duulaan ku ah Al Shabaab ka baxay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---