Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidankii DF ee tababarka ugu maqnaa Eritreya oo Maalmaha soo socda..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidmada Soomaalida ee ku sugan dalka Eritrea la billaabi doono inay dalka kusoo laabtaan bishan December gudaheeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in keenista ciidankaas la dhammaystiri doono bisha Janaayo 2023-ka.

Hadalka Madaxwyenaha waxaa baahiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya, waxaana uu ka hadlayey kulan uu dhowaan la yeeshay jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

“Dhallinyarada jirta Eritrea waa ay soo laaban doonaan dhowaan,” ayuu yiri madaxweynaha oo hadlayey toddobaadkii tegay, balse muuqaalka hadalkiisa la baahiyey maaanta.

“Waxay imaatinka billaabi doonaan kahor dhammaadka bisha December, waxaana lasoo geba-gebeyn doonaa Janaayo. Waa diyaar xilligan ma fileyno dib u dhac.”ayuu yiri Xassan Shiikh

Ciidankan ayaa madaxdweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay inay dhan yihiin 5 kun oo askri oo ka kooban qeybaha ciidamada sida kuwa lugta, cirka iyo badda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo shaacisay in la dilay ninkii bedeli lahaa hogaamiyaha Al-Shabaab

Caydiid Ali

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Somalilad iyo Puntland oo saakay dib u qarxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---