Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliiska Gobolka Banaadir oo soo qabtay askari dil & dhaawac geystay

Booliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay askari dil iyo dhaawac u geystay shaqaale ka tirsan Warshadda biyaha Caafi ee magaalada Muqdisho.

Soo qabashada eedeysanahan ayaa qaadatay wax ka yar 12 saacadood oo Boolisku ay wadeen howlgal lagu baadi goobayey askarigan oo baxsad ahaa.

Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa ayaa horey u sheegay iney gacan bir ah ku qaban doonaan Askarigii si sharci daro ah u dila qof shacab ah.

Ciidamada dowlada ayaa mararka qaarkood dil iyo dhibaatooyin u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan, qaarkood waa la qabtay, halka kuwo kalena ay baxsadeen.

Related posts

Muxuu Taliye Asad Diyano kala hadlay dhigiisa ciidanka UNTMIS?

Caydiid Ali

Xarumihii dowladda Suuriya ee Xalab oo dagaal lagula wareegay

Cabdi Cade

Masjid Lacag badan ku taageeray Qoys aan Muslim aheyn oo daris la ahaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---