Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa sababay in Mpappe uu ka tago dalka Cameron ee asal ahaan uu ka soo jeedo?

Mbappe Aabihii ayaa sheegay in musuqa Afrika ka jira inuu sababay in Wiilkiisu Xulka France u safto.

Ciyaaryahanka caanka ah Mbappe Aabihii ayaa sheegay inuu doonayay in Wiilkiisu u ciyaaro xulka Qaran ee Cameroon oo uu asal ahaan ka soo jeedo balse qof ka tirsan xiriirka kubbada cagta dalkaasi uu ku xiray lacag aanu awoodayn inuu ka bixiyo wiilkiisa si xulka Cameroon ugu safto.

Wuxuu sheegay in xulka Hadda uu u ciyaaro ee Faransiisku in aanu wax lacag Ah ku xirin si uu ugu safto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in arrintaas ay cadeyn u tahay heerka musuqa saameeyay Afrika.

Mbappe Aabihii  wuxuu ku baaqay in aan la eedayn ciyaaryahanada asal ahaan ka soo jeeda Afrika ee u safta  xulalka waddamada qaarada  Yurub.

Tusaale wuxuu u soo qaatay Ciyaaryahanka Embolo oo laaluush aanu hayn la waydiiyay markuu is yiri u safo xulka Dalka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Cameroon taasio ku kaliftay inuu u ciyaaro xulka Switzerland, dabadeed wuxuu Gool ka dhaliyay dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday ee Cameroon isagoo u ciyaaraya Switzerland.

Mbappe Aabihii wuxuu sheegay in Afrika Musuqa ka jira awgeed ay ku wayday dad badan oo magac ku dhex yeelan lahaa, kuwaasoo uu sheegay in ugu dambeyn ay faa’ideysteen dadyow kale, wuxuu sheegay ilaa Afrika ay Joojiso Musuqa inaanay ku guulaysanayn Koobka Kubbada Cagta Adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo war ka soo saartay Xaalada Jigjiga & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Buhari oo Amar ka soo saaray dilkii loo geestay Haweeney Qareen ahayd

Cabdi Cade

Aabe gabadhiisa ku ciqaabay in ay lugeyso 8-KM iyo sababta keentay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---