Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, miisaaniyad Sannadeedka maamulkiisa ee sannada 2023-ka.
Muuse Biixi ayaana dhaqan geliyay miisaaniyad sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda dawladda dhexe, Dawladaha Hoose, hay’adaha Madaxa- bannaan ee dawladda iyo deeqaha caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah).
Wareegatada uu soo saaray Muuse Biixi ayaa u qorneed sida tan:
Wareegto Madaxweyne
Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-
04/956/2022 ee ku taariikheysan 03/12/2022, kuna
ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2023-ka.
Waxaan Soo-Saaray;
Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah).
Miisaaniyaddu waxay dhaqan-gal noqon doontaa 01 January 2023.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com