Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha NISA Mahad Salaad oo gaaray gobolka Gedo si weyna loogu soo dhaweeyay

Taliyaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo saraakiil la socotay ayaa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo , waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Mahad Salaad waxaa degmada Doolow uga sii horeeyay Senator Cabdullaahi Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ,kuwaa oo kasii shaqeeyay tagitaanka Mahad Salaad ee gobolka Gedo.

Sida aan wararka ku heleynoi Mahad Salaad ayaa u tagay gobolka Gedo sidii xal loogu heli lahaa khilaaf muddooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa gobolkaasi iyo sidii uu halkaasi u geyn lahaa taliyaha NISA uu u magacaabay gobolka Gedo.

Mahad Salaad ayaa kulamo kawada degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxa uuna halkaasi kulamo kula leeyahay taliyaasha ciidamada, xildhibaano iyo sidoo kale masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Gedo.

Gobolka Gedo waxaa ka taagan khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya dhinacyo iska soo hor jeeda tan iyo markii qaraxa lagu dilay taliyihii awoodda badnaa ee NISA u qaabilsanaa gobolka Gedo Bakaal Kooke.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milarteriga Israel oo duqeyn aan kala sooc laheyn ka geysanaya Magaalada Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha Booliiska oo Kismaayo ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Hirshabelle Oo Qaadacday Qodobo kasoo baxay Shir ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---