Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Wasiiro dokumentiyo muhiim ah u gudbiyey RW Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta waxa uu ka guddoomay ballanqaadka qorshe-howleedka sanadka cusub ee 2023, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadija Mohamed Diriye, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Axmed Madoobe Nuunow.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saddexda Wasiir iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaha inay xoogga saaraan isla xisaabtan & daahfurnaan iyo qaabkii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyinka wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka Xukuumadda.

“Soo gudbinta qorshe howleedka Wasaaradaha ayaa aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay iyo in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan ee ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda’ ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjire Olgan Bekar oo bilad guddoonsiiyey Taliyaha Booliska Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Xaalada Laascaanood iyo sida laga yeelayo kala shiray 10-Urur Siyaasadeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Ganacsatada Muqdisho oo cabasho u gudbiyey Aadan Madobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---