Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Messi iyo Mbabe: Yaa caawa la hoyan doonna koobka kubadda cagta Aduunka

Xulka qaranka France ayaa maanta la ciyaari doona xulka Argentina finalka koobka aduunka ee ka dhacaya dalka Qatar.

Waa ciyaar ay iska hor imanayaan laba xul oo ka mid ah awoodaha ciyaaraha iyo sidoo kale labada ciyaartoy ee waa wayn ee ciyaarta, Lionel Messi oo Argentina ah iyo Kylian Mbappé oo reer France ah.

Labada ciyaaryahan ayaa sidoo kale ku tartamaya kabta dahabka ah, taaso ah abaal marinta la guddoonsiiyo gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku sugan dalka Qatar si uu u daawado xulkiisa qaranka oo isku dayaya iney difaacdaan Koobka Adduunka, iyadoo taa bedelkeeda, madaxweynaha Argentine, Alberto Fernandes, ayaa gurigiisa ku daawanaya ciyaarta sida malaayiin muwaadiniin ah

Taageerayaasha xiisaha badan ee France iyo Argentina ayaa ku xisaabtamaya saacadaha ay ku ballansan yihiin finalka koobka aduunka.

Argentina, rajada iyo riyada qarankoodu waxay ay saarantahay garbaha Lionel Messi. 35 jirkani waxa uu sheegay in uu noqon doono kulankiisii ​​ugu dambeeyay ee uu u ciyaaro Xulka dalkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad hubeesan iyo mooto ay adeegsanayeen oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay Safarkii Deni & Axmed Madoobe ee Muqdisho & Warar kale

Caydiid Ali

Shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kursigii Sanbaloolshe ee Baarlamanka Somalia oo la soo bandhigay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---