Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon la shaqeyn jiray kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda (Sawirro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalada ka wada gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa soo dhaweeyay nabaddoon la sheegay in uu la shaqeyn jiray kooxda Al Shabaab ee laga saaray degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale oo hoostaga.

Saciid Xuseen Raage oo kamid ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Sh/Dhexe.

Goobta lagu soo bandhigayay nabadoonkan kasoo goostay kooxda Al Shabaab waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya  iyo kuwa maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale.

Nabadoon Siciid Xuseen Raage ayaa sheegay in lagu qasbay la shaqeynta kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay in uu go’aansaday in uu yimaado dhinaca dowladda diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo.

Al Shabaab ayaa lumisay gacan ku heynta deegaanno badan oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana la sheegay dadkii la shaqeyn jiray qaarkood in deegaano kale aadeen halka kuwa kalana bilaabeen in ay is dhiibaan.

Related posts

Sargaal katirsan Dowladda oo loo heesto Musuq-maasuq oo maxkamad looga yeeray

Cabdi Cade

Kenya oo Jabuuti kaga guuleesatay kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Golaha Musharaxiinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---