Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa shalay xukun dil ah ku riday Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow, oo maxkamaddu sheegtay in uu katirsanaa Al Shabaab sidoo kale ku lug lahaa dil loo geestay Marxuum lagu magacaabayay Maxamed Xaashi Faarax.
Garsoorka maxkamadda ayaa sheegay in weerar arbushaad ah oo uu ninkan ku sameeyay gaari Taraafiko ah oo jiidayay bajaaj shil ku gashay Ceelasha Biyaha sababtay geerida Maxamed Xaashi oo u dhintay dhaawac xilligaasi soo gaaray.
Ehelada marxuum Maxamed Xaashi ayaa kahor yimid xukunka lagu riday ninkan dhallinyarada ah ee lagu eedeeyay in uu Al Shabaab katirsan yahay, waxa ayna sheegeen in dilka wiilkooda uu ka dambeeyay askari katirsan ciidanka dowladda.
Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax oo la dhashay marxuumnka geeriyooday ayaa sheegay in wiilkan xukunka lagu riday uusan dilin walaalkiisa, balse dilkaasi uu ka dambeeyay askari ayna leedahay marqaatiyaal.
Waxa uu sheegay in maxkamadda riday xukun caddaalad darro ah ayna sii deysay ninkii dilka u geestay walaalkiis loona saarinayo kiiskan dilka ah nin kale oon aan ku lug laheyn dilkan sida uu tilmaamay.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macali Fiqi oo sidoo kale ka hadlay arrintan ayaa ku baaqay in kiiskan loo baahan yahay in baaris qoto dheer lagu sameeyo ,sidoo kale la qanciyo ehelada marxuumka la dilay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com