Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Mowjado Kalluun ah oo lagu arkay jid ku yaalla Berlin iyo sababta keentay

Degmada Mitte ee Caasimda Jarmalka Berlin ayaa Saaka ku waabariistay Amakaag iyo yaab kadib markii ay qaraxday dhalo aad u weyn (Aquarium im Dom) oo aheyd tan ugu dheer caalamka isla markaana lagu kaydiyo Xayawaanka Badda (Kalluunka) oo noocyo badan leh.

Aquarium im Dom waxay ahayd Goob aad loogu Daawasho tago oo waxay ku dhex tiilay Hotel weyn waqtiga Falku dhacayna dad ayaa dhex hurday  Hotelka.

Qaraxa iyo Daryanka ka dhashay dhalada qaraxday kadib Malaayiin litir oo biyo ah iyo boqolaal Nooc oo Kaluun ah  ayaa ku fatahay alabaabada iyo Daaqdaha  Hotelka ilaa ay Wadooyinka u baxeen.

Booliska wax faahfaahin ah kama bixin sababta kaliftay burburka dhaladan.

kalllun fara badan iyo biyo oo ka baxay daaqaha hotelka ayaa daadsanaa wadada hor marta hotelka taasoo dad badan ka yaabisay.

Wali waxa socda Hawlaha Gargaarka ilaa hadda inta la ogayahay ma jiraan wax dhimasho ah balse Dad ayay dhaawacyo soo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbitaalka Turkiga ee Ragga oo daaweyn heer sare ah u haya ragga Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo baaq cusub u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

War cusub oo ka soo kordhay Safiirkii France ee diiday inuu ka baxo Niger

Caydiid Ali
Taboola Ads ---