Maamulka Iran ayaa xiray mid ka mid ah jilayaasha caanka ah ee dalkaas Sabtidii kadib markii lagu eedeeyay inay been ka faafiyeen mudaaharaadyada dalka oo dhan ka socda, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Warbixinta ay soo saartay wakaalada wararka Iran ee IRNA ayaa lagu sheegay in Taraneh Alidoosti, oo ah xiddigta filimka Oscar-ka ku guuleystay ee “The Salesman,” ayaa la xiray toddobaad kaddib markii ay soo dhigtay barta Instagram-ka qoraal ay ku muujinayso midnimo ay u hayso ninkii ugu horreeyay ee dhawaan lagu daldalo dambiyo lagu eedeeyay inuu galay mudaaharaadyada.
Sida lagu sheegay warbixinta lagu daabacay kanaalka rasmiga ah ee warbaahinta dowladda, Alidoosti ayaa la xiray sababtoo ah ma aysan bixin “wax dukumenti ah oo waafaqsan sheegashaheeda.”
Waxay sheegtay in dhowr qof oo kale oo caan ah oo Iiraaniyiin ah ay sidoo kale “u yeereen hay’adda garsoorka inkastoo aysan sheegin tirada ama faahfaahin dheeraad ah.
Qoraalkeeda, Aktarada 38-jirka ah waxay ku tiri: “Magaciisu wuxuu ahaa Mohsen Shekari. Hay’ad kasta oo caalami ah oo isha ku haysa dhiiggan daadanaya oo aan tallaabo qaadin, waxay ceeb ku tahay bini’aadantinimada.”
Shekari ayaa la toogtay 9-kii December ka dib markii ay maxkamad Iran ku soo eedeysay inuu xiray waddo ku taal Tehran oo uu baangad ku weeraray xubin ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalkaas.
Bishii Nofembar, Hengameh Ghaziani iyo Katayoun Riahi, oo ah laba jilaa oo kale oo caan ah oo reer Iran ah, ayaa mas’uuliyiinta xabsiga u taxaabeen kadib markii ay baraha bulshada ku muujiyeen taageerada ay u muujiyeen dibadbaxayaasha. Voria Ghafouri, oo ah ciyaaryahan kubbadda cagta Iran, ayaa sidoo kale la xiray bishii hore ”aflagaado uu u geystay xulka qaranka kubada cagta iyo dacaayad ka dhan ah dowladda.
Ilaa Sebtembar, Alidosti waxay si cad u muujisay taageerada ay heyso mudaaharaadayaasha ugu yaraan saddex qoraal oo ay soo dhigay Instagram-ka. Akoonkeeda, oo ay 8 milyan oo qof ku xiran yihiin.
Todobaadki hore, Iran ayaa dil toogasho ah ku fulisay maxbuus labaad oo lagu magacaabo Majdreza Rahnavard, kaas oo lala xiriirinayo mudaaharaadyada. Meydka Rahnavard ayaa looga tagay isagoo ka soo laadlaadsan wiishka dhismaha si ay digniin naxdin leh u noqoto dadka kale. Mas’uuliyiinta Iran ayaa ku eedeeyay Rahnavard inuu tooriyeeyay laba ka mid ah ciidamadooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com