Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidamada DF oo 50 dagaalyahan ku dilay dagaal ka dhacay degaanka..

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xooggaga degaanka ayaa sheegay in ku dhawaad 50 dagaalyahan oo ka tirsan A-shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal

Saraakiisha Howlgalka hogaamineysay ayaa sheegay in Ciidamada ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Al-shabaab.

“Waxaa halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada.

Dagaalka maanta ka dhacay tuulada Daarul-nicma oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa la sheegay inuu ahaa mid culus oo khasaare badan geystay.

Ciidamada dowlada ayaa baraha bulshada ku faafiyey sawiro laga soo qaaday goobaha lagu dagaalamay oo ay ka muuqdeen dhufeysyo ay ka dagaalamayeen Al-shabaab iyo agab kale oo ay dagaalka u isticmaalayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho iyo xogta madaxda kale ee ka qeyb galeysa

Cabdi Cade

(Sawirro) Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay duleedka..

Caydiid Ali

Weerar dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay degaan hoostaga Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---