Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’aanka Twitter-ka, ee uu ku xiray qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada.
Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnadooda.
Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaafadu aysan ahayn “wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn.
Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiyada Maraykanka, in akoonada la xir xiray ay la xiriirto la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay.
Melissa Fleming, oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan isgaarsiinta caalamiga, ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay wararka sheegaya in saxafiyiinta “si aan loo meel dayin” loogga xiray akoonadii ay ku lahaayeen barta bulshadu isku weydaarsato macluumaadka iyo afkaaraha ee Internet-ka ee shirkaddaTwitter-ka.
“Xornriyada warbaahintu maaha wax laga gorgortamayo,” ayay tiri. “Saxaafadda xorta ahi waa tiirka bulshooyinka dimuqraadiga ah, iyo aaladda muhiimka ah ee lagula dagaalo warar been abuur ah.”
Horaantii Jimcihii, guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa ugu hanjabtay Twitter inay cuna qabatayn ku soo rogi doonto, iyadoo la adeeg sanayo sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Yurub, kaasoo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah”.
“Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khad cas. Iyo cuna qabatayn, dhawaan dhici karta,” ayay raacisay.
Musk si toos ah ugama hadlin xirista akoonada, laakiin waxa uu bartiisa twitter-ka ku sheegay “in la dhaleeceeyo maalinta oo dhan ay gabi ahaanba tahay wax fiican, laakiin in la sheego meesha aan ku suganahay sida dhabta ah, iyo in qoyskayga la geliyo khatar maaha arrin taalla maxfaladda, ayuu yiri”.
Maalqabeenka teknolojiyadda, ayaa markii dambe sameeyay ra’yi ururin uu ku weydiinayo, haddii ay tahay wax saxam inuu joojiyo akoonada “hadda” ama “toddobo maalmood gudahood”, isagoo soo jeedinaya in go’aanka laga noqon karo isla markiiba.
“Sharciyo isku mid ah oo loo yaqaano doxing, ayaa khuseeya ‘saxafiyiinta’ sida qof kasta oo kale,” ayuu raaciyay, isaga oo isticmaalaya erey uu ku qeexayo sii deynta macluumaadka gaarka ah ee internet-ka ee shakhsiyaadka.
Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoonada la xir xiray ku tilmaamay mid keenaysa su’aalo, iyadoo dhanka kale uu ku tilmaamay talaaadani mid nasiib darro ah.
Xigasho: BBC