Xaalad cabsi iyo jahwareer leh oo ka taagan magaalada Jigjiga ka dib markii ciidamada federaalka ee dowlada dhexe ay saaka magaalada qabsadeen.
Wararka waxay sheegayaan in magaalada ay bililiqo ka jirto isla markaasna aysan jirin cid gacanta ku hayso ammaanka.
Boqolaal qof ayaaa lagu soo warramaya inay ku dhaawacmeen dhacdada ay militariga kula wareegeen magaalada.
Rasaas ayaa la maqlayaa qeybo ka mid ah Magaalada iyadoo ciidamada federaalka lagu arkayo bartamaheeda iyagoo wata gawaarida Gaashaaman,.
Arrintan ayaa ka dambeysay xiisad soo dhex gashay dowladda Federaalka iyo madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya
Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar ayaa diiday inuu tago magaalada Addis ababa oo looga yeeray, waxaana la sheegayaa iney haatan difaacayaa ciidamada Liyuu Booliska.
Teleshanka Itoobiya ayaa xaqiijiyey in ciidamada Federaalka ay la wareegeen xarumaha dowladda ee Jigjiga, sida Baarlamaanka, Garoonka diyaaradaha iyo dhismayaasha xukuumadda, iyadoo laga hortegay kulan ay yeelan lahaayeen Baaramaanka DDSI oo laga cabsi qabay inay u codeeyaan xaqa gooni isu taagga Soomaali Galbeed.
Dadweynaha magaalada ayaa bilaabay bannaanbaxyo ay uga horjeedaan ciidamada qabsatay magaalada, waxaanay gubeen taayaro, iyadoo xaaladdu ka sii dareyso.
La soco wixii soo kordha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com