Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan kuxigeenadiisa , Sanatarro iyo agaasimayaasha Aqalka Sare ayaa ka qayb galay munaasabad xilwareejin ahayd oo ay xilalka ay kula kala wareegayeen xoghayihii hore ee Aqalka Sare Mudane Cali Maxamed Jaamac iyo xoghayaha cusub Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.
Xoghaye Cali Maxamed Jaamac oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay ayaa soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilkaa hayay iyo Documentiyo la xiriira howlaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.
Guddoomiye Cabdi Xaashi yaa uga mahad celiyey xoghaye Cali Maxamed Jaamac hoggaamintiisii Aqalka Sare, dadaalkii uu geliyey dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka, waxa uuna guddoonsiiyay shahaado sharaf ka tarjumaysa wax qabadkiisii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com