Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin dembi yaab leh lagu soo eedeeyey oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Waxaa si weyn baraha bulshada iyo warbaahinta Kenya looga hadal hayaa nin la sheegay inuu kabo u kala xadi jiray gabdho uu la haasaawi jiray oo si la yaab leh lagu ogaaday

Ninkan oo lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu geystay falal xatooyo ah ayaa kabo iyo Laptop uu ka xaday saaxiibtii siiyay gabar kale oo uu shukaansan jiray.

Ryan Lusalishi ayaa lagu eedeeyay intii u dhexeysay 7 iyo 8 November in gabar la yiraahdo Elizabeth Okumu oo ku sugneyd Nairobi ka xaday boorso uu ku jiray Laptop iyo waxyaabo kale

Gabadhan oo shaqo ku maqneyd markii ay guriga dib ugu laabatay waxay waysay Laptop-keedii, kabaheedii iyo kaarkii bankiga ee ay lacagta kula bixi jirtay.

Markii dambe waxaa telefankeeda loogu diray farriin ku saabsan inuu guul dareystay isku day lacag loogala bixi rabay akoonkeeda bankiga Elizabeth Okumu waxay markiiba wargelisay booliska.

Hase ahaatee Gabar kale oo ninkan ay saaxiib ahaayeen ayaa fashilisay ninkan ka dib markii ay booliska u sheegtay inuu haddiyad ugu keenay kabihii uu kasoo xaday gabadha kale..

Lusalishi ayaa gacanta lagu soo dhigay, waxaana la helay Laptop iyo kabihii uu xaday, maxkamada ayaana damiin lacageed ku sii deysay, iyadoo dacwadiisa loo balamay bilowga sanadka cusub.

Related posts

Xiliga ay dalka ka baxayaan qeybtii ugu horeysay ciidanka ATMIS oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Dagaal culus oo ka qarxay degaan hoos taga degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Villa Somalia oo labo Sabab dartood u baajisay Sanad guurada 77-Aad Ee Ciidanka Booliiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---