Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ruushka oo ka digay in Mareyanku Ukraine siiyo hubka difaaca gantaalaha ee Patriot

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa ka digtay in Maraykanku uu Ukraine u gudbiyo nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah ee Patriot.

Afhayeen u hadashay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in Maraykanku “si wax ku ool ah qeyb uga noqday dagaalka, isagoo siinaya Ukraine hub iyo tababarida ciidamadeeda.

Waxay intaa ku dartay in haddii warbixinnada ku saabsan ujeedooyinka Mareykanka ee ah in Kyiv la siiyo nidaamka difaaca gantaalaha hawada ee Patriot, ay noqon doonto tallaabo kale oo kicin ah oo Mareykanku kala kulmi doono cawaaqib xumo.

“Habab kasta oo hub ah oo la siiyo Ukraine, oo uu ku jiro Patriot, oo ay la socdaan shaqaalaha u adeegaya, waxay noqon doonaan bartilmaameedyada mudnaanta leh ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka,” ayey tiri  Zakharova.

Mar wax laga weydiiyay digniinta Ruushka, afhayeenka Pentagon-ka ee ciidamada cirka Gen. Pat Ryder wuxuu ku jawaabay in Maraykanku uusan u ogolaan doonin Ruushka inay saameyn ku yeeshaan kaalmada la siiyo Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay diyaar u tahay inay ansixiso u dirida Ukraine ee nidaamka difaaca gantaalaha ee Patriot gantaal ka dib codsi deg deg ah oo kaga yimid madaxda Ukraine.

Ka shaqaynta iyo ilaalinta qalabka Patriot waxay u baahan tahay ilaa 90 askari, muddo bilo ahna Maraykanku wuu ka warwareegay inuu bixiyo nidaamkan sababo la xiriira cabsi laga qabay inuu sii xoogeysato xiisada Mareykanka iyo Ruushka.

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidanka Ruushka oo dagaal labo bilood ah ka dib qabsaday Mariupol

Caydiid Ali

Dad ka badan 100 qof oo ku dhintay duufaan ku dhufatay Gobolka Sikkim (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciyaartoy ka qeyb gashay Tartankii Dowlad Goboleedyada oo Maxkamad loogu hanjabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---