Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Morocco oo dacwad culus u gudbisay Xiriirka Kubbada cagta Adduunka ee FIFA (Sawirro)

Xiriirka Kubbada cagta Morocco ayaa u gudbiyey dacwad xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA, taasoo ku saabsan garsoorihii dhexdhexaadinayay kulankii Semi finalka ee dhexmaray Xulalka Morocco iyo France.

Waxaa Ciyaartan oo aheyd mid xasaasi ah 2-0 ku adkaaday xulka France ee difaacanaya koobka aduunka.

Xiriirka Kubbada cagta Morocco ayaa sheegay in garsooraha reer Mexico ee Cesar Ramos uu ku guul daraystay inuu rigoore u dhigo qaybtii hore ee ciyaarta kooxda Morocco, markii Theo Hernandez uu si khalad ugu gafay Sofiane Boufal, aagga diilinta 18aad ee lagu helo gool ku laadka ama rigooraha

“Halkii lagu abaal marin lahaa rigoore, taasoo dhowr dhinac ay dareemeen inay ku habboon tahay, Ramos ayaa taa beddelkeeda jaale ku qaatay Boufal, oo qalad uu ka galay” ayaa lagu yiro qoraalka.

“Xiriirka Kubbada cagta Morocco waxay u qortay hay’adda ay khusayso dacwad, taasoo ah inay dib u eegis ku sameyso go’aamadii garsoorayaasha, ee ka diiday kooxda Morocco laba rigoore oo aan lagu murmi Karin, marka loo eego aragtida dhowr garsoore oo takhasus u leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale Xiriirka Kubbada cagta Morocco ayaa sheegay iney si isku mid ah ula yaabeen in caawiyaha garsooraha ee fiidiyowga (VAR) uusan ka falcelinin xaaladahan.

Morocco ayaa noqotay Kooxdii ugu horeysay ee Afrikaan, dhanka kalena Carab ah ee u gudubta heerka afar dhamaadka Koobka Adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Vietnam oo ka Walaacsan xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya Baaqna soo saartay

Cabdi Cade

Milatariga Sudan iyo Ciidamada RSF oo heshiis Cusub gaaray iyo Mareykanka oo…

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo difaacday go’aankii ka careysiiyey Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---