Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Soomaaliya oo loo doortay gudoonka Golaha Midowga Dhaqaalaha dalalka Carabta

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qaybgalay Shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha Waddamada Carabta oo sanadkaan ay Shir guddoomisay Dowladda Suudaan.

Shirkaan ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa kulanka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo ku saabsan marxaladda maanta ee Soomaaliya, sida dib-u-habeynta Maaliyadda, dhammeystirka Deyn-Cafinta iyo xiriika xoojinta Hey’adda dhaqaalaha dalalka Carabta.

Markii uu shirku soo dhammaaday, ayaa  Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo wareejiyay shir-Guddoonka Golaha oo Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur oo xilkaan hayn doona ilaa sanadka 2023 dhammaadkisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gabar uu dhalay nin lagu tilmaamo Maskaxda Putin oo qarax lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade

Askari dil argagax leh maanta u geestay Wade Mooto Bajaaj oo la qabtay

Cabdi Cade

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka oo Somalia ku dilay Bilaal Al-Sudani

Caydiid Ali
Taboola Ads ---