Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Bin-Laden hooyadii oo markii ugu horeysay ka hadashay arrimaha Wiilkeeda (Daawo Sawirro)

Waxaa markii ugu horreysay hadashay hooyada dhashay hogaamiyihii ururka Al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeeda uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray isla markana xagjir laga dhigay.

Wareysigii ugu horeyay oo ay siisay wargayska Guardian, ayay Alia Ghanem waxa ay sheegtay in uu wiilkeeda isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga.

Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay in uu ku biiro kooxahan.

Bin Laden ayaa la rumaysan yahay inuu amray weerarkii 9/11, 2001 lagu qaaday Mareykanka iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay.

Balse hooyadii ayaa sheegtay in uusan waligii u sheegin waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dhimashada qaraxii lala beegsaday Masjidka Pashwar oo labo jibaarantay (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Macron oo Itoobiya ku taageeray sidii ay u heli laheyd bad

Cabdi Cade

Puntland oo baaq ku aadan Shirka Afisiyooni u dirtay Madaxweyne Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---