Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa sababay in Elon Musk lumiyo kaalinta shaqsiga ugu hantida badan dunida?

Elon Musk hadda maaha qofka ugu taajirsan adduunka, sida laga dheehan karo warbaahinada Bloomberg iyo Forbes ee ka faalooda kala horeynta dadka hodanka ah.

Waxaa ugu horeeya ganacsadaha Faransiiska ee Bernard Arnault ahna madaxa fulinta ee shirkada LVMH.

Forbes waxa ay hadda ku qiyaastay hantida Arnault ilaa $188.6 bilyan, halka Muskna lagu qiimeeyay $176.3 bilyan.

Shirkadda baabuurta Elon Musk ee Tesla ayaa lumisay Saamiyadeeda New York 6 boqolkiiba oo u dhigmata $7.4 bilyan.

Maalgashadayaasha shirkada Tesla ayaa la sheegay inay ka luntay kalsoonidooda sababtoo ah Musk oo diiradda saaray Twitter & go’aannadiisa muranka dhaliyay, doodaha dadweynaha iyo qoraallada uu soo dhigayo bartiisa Twitter-ka oo toddobaadyo badan qabsaday cinwaannada waawayn ee wararka.

Musk waxa kale oo uu iibiyay qaar ka mid ah hantidiisa Tesla si uu uga kaalmaysto $44ta bilyan uu ku iibsaday Twitter.

Elon Musk oo bartiisa Twitterka kaga hadlayay arintan ayaa yiri  “Tesla waxay noqon doontaa mid aad u wanaagsan muddo dheer, nama xakamayn doonaan mawjadaha dhaqaalaha”

Elon Musk sidoo kale waa madaxa fulinta ee shirkadda hawada sare ee SpaceX iyo Twitter, oo uu la wareegay bishii Oktoobar ka dib bilo uu isku dayay inuu ka baxo heshiiska oo dhan $44 bilyan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amniga Muqdisho oo noqday qodobka maalintii labaad looga doodayo Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Daawo Muuqaal “Mid ka mid ah ganacsatada qurbaha ka tagay oo shaqaalaheeda ku dhiiragelisa inay waxbartaan!!

admin

Haitam bin Tariq oo warqadaha ka gudoomay Safiirka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---