Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Koonfur Galbeed (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo ka tirsan 135-ta oday iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankooda waxaa looga hadlay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay Guddoomiyaha iyo sidii kooxda khawaariijta looga xorreyn lahaa deegaannada maamulka KGS.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa duubabka dhaqanka ka talageliyay arrimaha dib uheshiisiinta si loo gaaro midnimo iyo isku-tashi, waxeyna si buuxda u taageereen shirka, iyagoo isla adkeeyey in meel looga soo wada jeesto kooxda arxan-laawayaasha ah.

Sidoo kale Golaha Malaaqyada Dhaqanka ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ka dalbaday in si deg deg ah loogu dhawaaqo maalinta uu furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Related posts

(Daawo Sawirro) Sida loo sugay amniga Madaxweyne Farmaajo markii uu marayey buuraha Galgala

Caydiid Ali

Ciidamada Haramcad oo kala dhax galay Ciidamo ku dagaalamay Dayniile iyo Saraakiil …

Cabdi Cade

Prof.Dufle: “Sigaarku wuxuu sababaa cuduro badan oo halis ah iyo dhimasho degdeg ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---