Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay Masuul ka tirsan Maamulka degmada Garbaaharey

Gudoomiyihii Xaafada Xaashi-weer ee ka tirsan xaafadaha magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa caawa lagu dilay magaaladaas

Marxuum Maxamed shiikh ayey wararku sheegayaan iney rasaas ku fureen kooxo hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa hoygiisa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in marxuumka uu isla goobta ku dhintay, ayna baxsadeen raggii dilkaas fuliyey.

Ciidamada amaana magaalada Garbahaarey ayaa la sheegayaa iney xaafado ka tirsan magaalada ka wadaan caawa howlgalo baaritaan ah oo lagu baadi goobayo raggii dilka geystay.

Inkastoo aaney jirin cid sheegatay dilka masuulkan haddana kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay beegsiga iyo dilalka masuuliyiinta maamulada hoos taga dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Faah Faahin ka bixiyay heshiiska dowladda la gashay Turkiga

Cabdi Cade

Deni oo shaaciyey maalinta la qabanayo doorashada goleyasha degaanka Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---