Allbanaadir.com
NEWS

Xukun adag oo lagu riday Sargaal fududeeyay Weerar lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow oo ahaa sargaal ciidan hore, kaa oo lagu helay in uu fududeeyay weerar Al Shabaab ku galeen garoonka Aadan Cadde.

Ninkan xukunka dilka ah lagu riday ayaa ka tirsanaa milatariga Soomaaliya in ka badan toban sanno, waxaana ninkan oo ahaa sargaal ciidamada isaga haray 2018-kii xilligaa oo ciidamada diiwaangelin cusub loo sameenayay.

Sargaalkan ayaa sannadkii  2017 kii ayay xafiiska xeer ilaalinta iyo hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna u qaabilsanaa gudbinta gawaarida qaraxyada ah ee ay Al Shabaab ku weerari jirtay Muqdisho.

Ninkan oo saraakiishii uu la shaqeenayay qaarkood shaki badan ka qabeen ayaa la sheegay in bishii September 19 keedii 2019kii   lagu helay in uu qarax geeyay xarunta ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

Maxkamadda ayaa sheegtay in  Maxamed Abkow 23 kii March sannadkan  ku geliyay gaarigiisa garoonka diyaaradaha laba nin  oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaa weerar ku galay garoonka kuna dilay  Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah ciidankii ragaasi la dagaalamaya.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku riday xukun dil ah Maxamed Cabdulle Nuur Abkow, oo ah qisaasta askarigii ku dhintay weerarkii garoonka Aadan Cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wadahadalkii Masar & Itoobiya ee biyaha webiga Nile oo fashilmay & Xiisad ka dhalatay

Caydiid Ali

Lacag Malaayiin Dollar ah oo lagu ganaaxay Bank of America iyo Dambiga lagu helay

Cabdi Cade

Mareykanka iyo kooxda Taliban oo isla gaaray heshiis soconaya hal todobaad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---