Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo la kulmay Mehmet Yilmaaz si weyna ugu mahadceliyay (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Mehmet Yilmaaz.

Duqa Muqdisho iyo Safiirka Turkiga ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga lagu horumarinayo heshiiska Mataaneenta Muqdisho iyo magaalooyinka Turkiga, dardargalinta mashaariicda lagu dhisayo Waddooyinka Caasimadda iyo xarumaha Danta-Guud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Dowlada Turkiga iyo shacab keeda kaalinta ay ka qaataan dib usoo kabashada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa mashaariic badan oo hurumarineed ka fulisay magaalada Muqdisho, waxa ayna dhiseen Turkiga laamiyo badan oo horey u bur bursanaa iyo sidoo kale goobo caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fartaag oo shaaciyey inuu socdo qorshe cusub oo ka dhan ah Al-shabaab.

Caydiid Ali

Dagaal maalintii 6aad ka socda Laascaanood xili Somaliland ku dhawaaqday xabad joojin

Caydiid Ali

Turkiga oo xanibay hub Nuclear ah oo Maraykanku dhigtay Saldhig ku yaalla dalkooda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---