Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo qorshe howledkooda u gudbiyey RW Xamse (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ka guddoomay Qorshe Howleedkooda sanadka 2023, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Jaamac Xasan Khaliif.

Xamse ayaa ku adkeeyay saddexda Wasiir inay xoogga saaraan sidii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyin wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka Xukuumadda.

“Soo gudbinta qorshooyinka Wasaaradaha ayaa aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay iyo in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan ee ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumada ay RW Rooble u gudbiyeen qorshe howleedka Wasaaradahooda iyo waxyaabaha hor tebinta leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo kahor yimid guddigii uu magacaabay Siciid Deni iyo Khilaafka oo…

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo booqday goobihii ku burburay qaraxyadii Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni & Waare oo kulan gaar ah yeeshay, kana heshiiyey madmadow ka dhex jiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---