Dawladda New Zealand ayaa soo saartay sharcigii ugu adkaa ee lagula dagaallamayo Sigaar cabbista iyo weliba ka ganacsiga tubaakada.
Xeerkan oo maanta la ansixiyey ayaa dhigay in qof kasta oo dhashay wixii ka dambeeyey sanadkii 2009 kii aan laga ogolaan doonin inuu iibsado Sigaar iyadoo la waydiin doono kaarkiisa dhalashada.
Talaabadan ayaa ka dhigan dadka 14 jirka ah iyo wixii ka hooseeya aan sigaar laga iibin karin.
Sidoo kale dawladda ayaa sannadkan soo socda gebi ahaanba yaraynaysaa goobaha ganacsi ee iibiya sigaarka Tafaariqda ah taasoo loog gol lee yahay in hoos loogu dhigo dadka cabba Sigaarka.
Qofka jebiye xeerkan cusub ayaa lagu ganaaxi doonaa lacag dhan 95 kun oo Dollar.
New Zealand ayaa tallaabooyinkan ku tilmaamay kuwo u baajin doona dad iyo maal badan oo sigaarki gallaafan jiray, isla markaana gogol xaar u ah in ugu dambeyn dalkaas laga mamnuuco sigaarka.
New Zealand ayaa la rumeysan yahay inay tahay waddankii ugu horreeyay ee adduunka oo dhan ka hirgeliya da’da sigaar cabista sannad walba, iyadoo la hubinayo inaan tubaakada laga iibin karin qof kasta oo dhashay wixii ka dambeeyey 1da Janaayo 2009.
Xogta la sii daayay bishii Nofembar ayaa muujisay tirada dadka sigaarka cabba maalin kasta ay hoos ugu dhacday 8% sannadkii hore taasoo calaamadisay heerarkii ugu hooseeyay tan iyo markii diiwaannada la bilaabay.
Qiimeyn la sameeyey sanadkii 2019 ayaa lagu ogaday in Heerka dadka sigaarka caba ee New Zealand  uu ahaa 14.20%, shacabka dalkaas
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com