Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo shaaciyay Howlgal laga taageeray in lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab lagu dilay deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana howlgalkan si wadajir ah u fuliyay ciidamada NISA iyo ciidamo ajaaniib ah.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in 31 xubnood oo ka tirsan tirsan  Al-Shabaab  lagu dilay, tiro kalena  lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Obaale oo hoos taga  Mahadaay .

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaan  lagu beegsaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo doonayay in ay u gurmadaan dagaalyahano  kale oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka kula dagaalamayay deegaankaan Obaale.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor sidaan oo kale xubno badan oo katirsan Al Shabaab loogu dilay howlgal qorsheesan oo hoostaga deegaan kale oo hoostaga degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Madaxweyne Xasan Shiikh ku eedeysay dagaalkii ka ka dhacay Garowe

Caydiid Ali

Senator Cabdi Qeybiid oo ka hadlay Howlgalkii Ciidamo katirsan Dowlada Gurigiisa galeen

admin

Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada Somalia oo la fasaxay iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---