Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo cunaqabateyn kusoo rogtay Shaqsiyaad iyo Hay’ado laga leeyahay Yurub

Dowladda Iran ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay shaqsiyaad iyo hay’ado laga leeyahay dalal Yurub kuyaalla, waxaana shaqsiyaadka iyo hayadaha cunaqabateynta lagu soo rogay lagu eedeeyay falal amniga lidi ku ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Iran qoraal ay soo saartay ayey ku shaacisay in cunaqabateyn kusoo rogtay shaqsiyaad ay ku jiraan saraakiil ciidan, siyaasiyiin iyo hay’addo dhinaca ammaanka ka shaqeeya.

Iran hay’adaha ay shaacisay in ay cunaqabateynta saartay waxaa ka mid tahay laanta sirdoonka gudaha ee dowladda Ingiriiska ‘MI5’, Saraakil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda dalka Jarmalka.

Shaqsiyaadka cunaqabateynta la saaray iyo hay’adda MI5 ayaa dowladda Iran ku eedeesay in gudaha dalkeeda ka hurinayeen kacdoono lidi ku ah amniga iyo xasilooni darro, waxa ayna sheegtay Iran in ay ka feejigan tahay dhagarta cadawgooda.

Tallaabadan Iran cunaqabateynta ku saartay shaqsiyaad  Yurub kasoo jeeda iyo hay’ado ayaa imaanaya xilli Midowga Yurub cunaqabateyn kusoo rogay dowladda Iran iyo shaqsiyaad katirsan diowladda dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay degmada Afgooye & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

WHO oo lumisay xiriirkii ay la lahayd isbitaalka Shifa ee Gaza iyo Walaac soo baxay

Cabdi Cade

Cumar Filish oo qorsheenaya in la xiro Suuqa Xoolaha Degmada Dayniile iyo Suuqyo kale (Sawirro)

Cabdi Cade