Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo magac cusub u bixiyay Ciyaal Weerada dhibaatada ku haya Muqdisho

Waxaa mar kale dib usoo laba kacleeyay ciyaalka loo yaqaan weerada ee ka dhisan qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba ku haya dadka shacabka ah .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo ka hadlayay kulan ammaanka looga hadlayay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mar kale soo laabtaan ciyaalka weerada ee dadka dhibka ku haya.

Duqa Muqdisho ayaana sheegay in ciyaalkan aan la dhihi karin ciyaal weero balse yihiin bir qaate , waxa uuna ugu baaqay maamulada degmooyinka ay dhibka ku hayaan ciyaalkan in wax ka qabtaan ciyaalkaasi dadka dhibaya oo dhacaya.

”Cayayaan yar yar ayaa hoosteena ka kacay oo mindi iyo baangad wata, markaas ayaan u bixineynaa ciyaal weero, weero maahinee waa bir qaate u baahan in la iska qabto,” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Ciyaalka weerarada ee ku hubeesan mindiyaha iyo baangadaha ayaa kusoo badanaya degmooyin katirsan gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka Dayniile, Dharkeenley, Kaaraan, Yaqshiid iyo Wadajir

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif: “Dalku wuxuu ku jiraa xaalad halis badan oo aan la dhayalsan karin”

Caydiid Ali

Taliyihii hore ee Danab oo beeniyay Warar been abuur ah oo laga faafiyay

Cabdi Cade

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay gaari lagu rasaaseeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade