Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday hotel ku yaalla Magaalada Kabul (Sawirro)

Hotel ay degan yihiin dadka ajnabiga ah ee ku yaala caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ayaa lagu weeraray qaraxyo iyo dagaal toos ah, waxaana la dilay saddex ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Taliban.

Laba qof oo ajnabi ah ayaa dhaawacmay markii ay ka boodeen daaqadaha si ay u baxsadaan, ayuu yiri Zabihullah Mujahid, afhayeenka xukuumadda Taliban. Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in qaraxyo iyo rasaas la is weydaarsaday waxaana sawiro iyo muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ay muujinayaan qiiq ka baxayay dhismaha.

Isbitaalka degdega ah ee magaalada Kabul ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in qarax iyo rasaas ay ka dhaceen meel ku dhow hotel ku dhawaad hal kiilo mitir u jira. “Ilaa hadda, waxaan helnay 21 dhaawac ah – 3 ayaa mar hore dhintay.”

Khalid Zadran, oo ah afhayeenka Taliban ay u magacaabeen taliyaha booliska Kabul, ayaa sheegay in weerarka uu qaatay saacado badan. Wuxuu sheegay in hawlgalka “nadiifinta” uu socdo.

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse kooxda xiriirka la leh Daacish – ee loo yaqaan dowladda Islaamiga ah ee gobolka Khorasan iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Taliban ee Afganistan maamusho – ayaa kordhisay weerarradeeda tan iyo markii Taliban ay la wareegeen dalkaas sannadkii hore.

Mid ka mid ah dadka degan xaafadda Shar-e Naw ee uu weerarku ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu maqlay qaraxyo iyo rasaas badan..

Qof kale oo ku sugan xaafadda Shar-e-Naw ayaa AP u sheegay in weli uu socdo dagaalka. Waxa uu sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay ku sugnaayeen gudaha gurigooda ilaa saddex baloog oo u jira goobta la weeraray. Waxa uu sidoo kale ka hadlay cabsi uu ka qabo in uu aargudasho.

Ciidamada Taliban ayaa ku soo yaacay aagga, waxayna xireen dhammaan waddooyinka soo gala goobtaas, ayuu yiri Zadran, oo ah madaxa booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Mindi ku hubeysan oo dilay sagaal arday, toban kalena dhaawacay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Booliiska oo shaaciyay in la xiri doono qof kasta oo Aflagaado iyo xadgudub geesta

Cabdi Cade

Heyadda socdaalka & Jinsiyadaha Somalia oo xarun weyn ka dhisatay Magaalada..(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---