Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabadda xuska maalinta qaranimada Qatar.
Hamza Abdi Barre ayaa dowladda Qatar uga mahad celiyay taageerada joogtada ah, mashaariicda horumarineed ee dalka ay ka hir-gelisay iyo kuwo hadda socda.
Waxaa uu sidoo kale munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Qatar ugu hambalyeeyey sida wanaagsan ee ay ugu guuleysatay marti gelinta Koobka Kubadda Cagta ee Adduunka 2022.
Dowlada Qatar oo xiriir xoogan la laheyd dowladii Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan safiir cusub u soo magacowday Somalia, si ay ula jaanqaado dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Xassan Shiikh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com